Ilhan Cumar oo doorashada berri loollan adag kula geli doonto haweeneey Madow ah

Ilhan Omar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ka dib markii ay ku guuleysatay doorashadii is ree-reebka ee xisbigeeda, Ilhan Cumar waxay doorashada berri oo Talaalado ah dhacaysa kula tartami doontaa haweeney iyadana Madow ah oo la yirahdo Cicely Davis oo ka socota xisbiga Republican-ka.

Ilhan bishii Ogosto waxay la soo tartantay afar murashax oo uu ka mid yahay Don Samuels oo horay uga tirsanaa golaha deegaanka ee Minneapolis, inkastoo uu soo galay kaalinta labaad hadana Ilhan ayay guusha raacday.

Berri goobaha cod-bixinta waxaa la furi doonaa 7-da subaxnimo waxayna furnaan doonaan ilaa 8-da fiidnimo.

Waxay hadda ku fadhidaa kursiga Aqalka Congress-ka oo ay ku mataleyso degmada Shanaad oo ay ku jirto Minneapolis iyo deegaannada kale ee ku xeeran.

Mushaarka sannadlaha ah ee uu qaato qofka xubinta ka ah Aqalka Congress waa 174,000 oo doolar.

Dhanka xisbiga Jamhuuriga, Davis waxay ku soo guuleysatay inay xisbigeeda ku matasho doorashada guud ee Aqalka Congress-ka. Waxay la soo tartantay 3 murashax oo xisbigeeda ka tirsan.

Haddaba waa tuma Cicely Davis, haweeneyda tartanka adag kula jirta Ilhaan Cumar?

Cicely Davis, haweeneyda Ilhan la tartameyso

Xigashada Sawirka, Cicely Davis

Qoraalka sawirka, Cicely Davis, haweeneyda Ilhan la tartameyso

Cicely Davis waxay ka tirsan tahay xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka, waxaana loo arkaa haweeneyda sida weyn loollanka ugu jirta inay ku guuleysato doorashada xilligga dhexe ee Mareykanka, gaar ahaan kursiga degmada shanaad ee aqalka koongareeska ee Minnesota.

Waxay la tartami doontaa Ilhaan Cumar oo haatan ku fadhida kursigan kana tirsan golaha Wakiillada Mareykanka.

Waxay qoyskeeda kasoo jeedaan deegaanka Rochester ee New York, waxayna kusoo barbaartay Minnesota. Davis waxa ay dooneysaa inay meesha ka saarto Ilhaan Cumar.

Waxay kamid aheyd dadkii ka hadlay dhibaatadii dabka ee saameeyay suuqa Waaheen ee Hargeysa isla markaana waxay ka qeyb gashay munaasabad gurmad loogu fidinayay dadkii ku hanti beelay suuqaas.

Cicely waxay jamaacadda shahaadada koowaad ka qaadatay Minnesota School of Business, iyadoo ku takhasustay culuumta maareynta arrimaha caafimaadka.

Waxay shahaadada labaad ka qaadatay jaamacadda Liberty sanadkii 2016-kii.

Cicely Davis waxay bilowday inay dhaqaale u raadiso ololaheeda doorashada, sida ay ku warrameyso warbaahinta Minnpost oo soo xiganeysa warbixinta guddiga doorashada.

Maxay tahay doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka?

Aqalka wakiillada oo ku dhex yaalla xarunta Capitol

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Aqalka wakiillada oo ku dhex yaalla xarunta Capitol

Dadka Mareykanka waxay mar kale goobaha cod bixinta u dareerayaan xilliga dhexe oo ku beegan 8-da bishan Nofeembar oo berri ku aaddan.

Waa doorasho khaas ah oo ay dadku u codeynayaan siyaasiyiinta ka howl gasha qeyb ka mid ah dowladda oo lagu magacaabo Aqalka Kongress-ka, kaasoo ah aqalka sharci dejinta.

Waxaa sidoo kale jira xilal loo dooranayo barasaabyada gobollada iyo xilal kale oo xafiisyada gobollada ka tirsan.

Doorashooyinka xilliga dhexe waxay dhacaan markii uu kala bar noqdo xilliga uu madaxweynaha xilka haynayo.